Madaxweyne Uhuru oo cadeyey mowqifka ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya

0

Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa mar kale ku celiyay in ciidamdiisa qaybta ka ah howlgalka AMISOM ay sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya tan iyo inta laga soo celinayo nabadda Soomaaliya.

Uhuru, ayaa sheegay in hadafka ciidamadiisa ay u joogaan Soomaaliya ay tahay sidii ay dowladda Soomaaliya ay uga caawin lahaayeen soo celinta amniga iyo xasiloonida dalka.

“Ciidamadeenu waxa ay sii wadi doonaan kasii qayb ahaan shahooda hawlgalka nabad ilaalinta midowga afrika ee AMISOM, si ay u cirib tiraan argagixisada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxwayne Kenyatta.

Ciidamada Kenya ayaa gudaha Soomaaliya soo galay sanadkii 2011’kii tan iyo waqtigaasna waxa ay qayb ka ahaayeen howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.