Liiska odayaasha soo xulaya baarlamaanka labaad ee Galmudug oo la shaaciyey

0

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa liiska odayaasha soo xulaya baarlamaanka Galmudug ku wareejiyey guddiga farsamada ee maamul dhisidda Galmudug.

Liiska oo ka kooban 44 oday dhameed ayaa lagu wareejiyey guddiga, waxaana lagu wadaa in isla maanta la xareeyo, kuwaas oo guda galaya soo xilidda xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Galmudug.

Guddiga ayaa odayaasha la xareeyey ka dalbaday inay dardar galiyaan soo xilidda xildhibaanada cusub ee maamulka Galmudug.

Horaanta bisha nasoo aadan ee December ayaa lagu cadeeyey jadwal ka soo baxay guddiga maamul dhisidda Galmudug in la guda galayo doorashooyinka maamulka.

Xaraynta odayaashii soo xuli lahaa baarlamaanka cusub ee maamulka Galmudug ayaa ku soo aadaysa, iyadoo aan wali xal laga gaarin tabashada Ahlu-Sunna oo saluugsan qaabka ay dowladdu u wajaheyso dhismaha maamulkaas.

Liis
Liis

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.