Hoggaamiyaha ONLF oo ka war bixiyey kulankii uu la qaatay Axmed Madoobe

0

Hoggaamiyaha ururka ONLF Cabdiraxmaan Maadey oo Nairobi kula hadlayey waraabinta ayaa markii ugu horreysay faah faahin ka bixiyey kulankii uu dhowaan la qaatay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Maadey ayaa sheegay in muhiimada kulankaas uu ahaa mid is xog wareysi ah, isla markaana looga hadlayey xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Jubbaland.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale sheegay in kulanka intiisa badan diirada lagu saaray khilaafka xooga leh ee u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, kaas oo cuuryaamiyey wada shaqeyntiI labada dhinac.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay kula taliyeen, Axmed Madoobe in wax weliba lagu dhameeyo wadahadal, si loo soo afjaro khilaafka dowladda dhexe iyo Jubbaland.

Cabdiraxmaan Maadey guddoomiyaha cusub ee hoggaanka ONLF ayaa sidoo kale ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed, isagoo xusay in Itoobiya oo ay ku nool yihiin dad kala af iyo diin ah, kuwaas oo ku mideysan hal dowlad isla markaana looga baahan yahay Soomaalida inay ka shaqeeyaan horumarkooda.

ONLF oo muddo dagaal jabhadadeed kula jirtay dowladda federaalka Itoobiya ayaa hadda isu bedashay urur siyaasadeed, kadib markii ay heshiis la gashay xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.