Guddoomiye Mursal oo amray in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo xayiraadii Xildhibaan Daleys

0

War qoraal ah oo ka soo baxay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa lagu amray in guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka ay soo diyaariyaan muddo laba todobaad ah gudahood warbixin ku aaddan is hortaagii todobaad ka hor lagu sameeyey Xildhibaan Daleys Xasan Aadan, taas oo laga hor istaagay inay ka baxdo garoonkan Aadan Cadde xilli ay ku wajahneed magaalada Luuq ee gobolka Gedo.

Xildhibaan Daleys ayaa horay u sheegtay inaysan garaneyn sababta loogu diiday inay tagto gobalka Gedo si ay uga qeyb qaadato dejinta xiisadda beryihii lasoo dhaafay ka jiray gobolkaas.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya ayaa ka dalbaday guddiga arrimaa gudaha iyo amniga inay si deg deg ah ula yimaadaan warbixin dhamays tiran ula hor yimaadaan golaha, taas oo ay ku cadahay is hortaaga la sheegay in lagu sameeyey Xildhibaan Dalays.

Qaar ka mid ah xildhibaannada golaha shacbaka ee baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay arrinta xildhibaan Daleys ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xildhibaan qaran laga hor istaago inuu booqasho ku tago deegaanka laga soo doortay iyaga oo markii dambe ka dalbaday guddoomiyaha golaha shacabka inay wax ka qabtaan arrintaas, isla markaana la horkeeno xarunta golaha shacbaka Taliyaha Hey’adda NISA Fahad Yaasiin sidii wax looga weydiidyo arrinta xildhibaan Daleys, oo iiyadu sheegtay in ciidan hor is taagay ee u diiday inay ka baxdo garoonka ku sheegtay ku NISA.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.