Mowjado dibadbaxyo ah oo markale ka billowday Dalka Ciraaq

0

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay mowjado dibadbaxyo cusub ah oo ka billowday magaaladda ku taala koofurta Ciraaq ee Nasiriya, sida ay baahisay BBC.

Ciidanka amaanka ayaa rasaas ku furay una adeegsaday gaaska dadka ka ilmeeysa dad dibadbaxayaal ah oo xiray buundooyin khamiista maanta ah. 70 qof oo kale ayaa lasoo weriyay in ay ku dhaawacmeen rabshadaha.

Dad ka ciraaq ayaa wadooyinka marayay iyagoo dalbanayay shaqooyin, in musuqa la ciribtiro iyo in la hagaajiyo adeega dadweynaha.

Ciidanka military-ga ee Ciraaq ayaa sheegay in ay qaadayaan talaabo military si ay uga hortagaan rabshadaha.

Ilo xog ogaal oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dibadbaxyada ka socday magaaladda Nasiriya laxakameyay islamarkaana hadda xaaladda magaaladdu ay caadi kusoo laabatay.

Qaar ka mid ah dadka dibadbaxaya ayaa Dowladda Iran ku eedeeyay in ay masuul ka tahay guuldaradda Dowladooda ee wax ka qabasha la’aanta dhibaatooyinka musuqa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.