Haweney ninkii dilay Gandhi ku tilmaantay wadani oo laga eryay Baarlamaanka Hindiya

0

Muran ayaa ka dhashay Xildhibaan ka tirsan xisbiga talada haya ee dalka Hindiya taasi oo laga eryay dood Baarlamaanku lahaayeen kadib markii ay dilaagii Mahatma Gandhi ku tilmaantay Wadani.

Xisbiga talada haya ee Bharatiya Janata Party (BJP) ayaa cambaareeyay hadalka Pragya Thakur kaasi oo caro adag ka abuuray baraha Bulshada.

Waa markii labaad oo marwo Thakur ay wadi ku tilmaantay Nathuram Godse oo dilay halgamaagii xoriyadda Hidniya Mahatma Gandhi kadib markii uu sedex jeer xabadka ka toogtay.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in ay ku lug lahayd qarax 2008-dii lagu dilay lix qof ayna ku dhaawacmeen 100 kale.

Thakur ayaa inkirtay dhamaan eedaha loo jeediyay, hadana waxay banaanka ku joogtaa damiin.

Dood uu baarlamaanku yeeshay Arbacadii ayey aqalka hoose ee Baarlamaanka ka sheegtay in Godse  uu ahaa wadani.

Dowladda iyo xisbiga talada haya ayaa dhamaantoodba iska fogeeyay hadalka Xildhibaanka ee wadanka doodad ka dhaliyay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.