Maxuu yahay Ajendaha kulanka wadajirka ah ee maanta?

0

Kulankii sedaxaad ee wadajir ah ayay maanta yeelanayaan xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana sida qorshuhu yahay la hor geynayaa habraaca loo maray ansixinta dastuurka qabyada ah ee dalka.

Guddiga qaabilsan qabya tirka Dastuurka dalka iyo wasaaradda dastuurka ayaa in ka badan labo sano ku howlanaa qabya tirkiisa, waxayna horay u dalbadeen in kulan wadajir ah lagu meel mariyo.

Sidoo kale qabya tirka dastuurka ayaa waxaa la sheegay inay soo dhamaanayso bisha lixaad ee sanadka soo socda, wixii intaa ka horeyana la dhameyn doono wadatashiyada dadweynaha iyo siyaasiyiinta.

Dhinaca kale xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxaa loo qeybin doona maanta sharciga doorashooyinka oo ay soo diyaariyeen guddiga u qaabilsan golaha shacabka.

Guddigaan ayaa gacanta ku hayay sharciga doorashooyinka muddo seddax bilood ah, waxaana laga doodi doonaa maalinka Sabtida ah ee nasoo aadan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.