Maxaa looga hadlay kulankii Kheyre iyo Yamamoto?

0

Qoraal lagu daabacay bogga Twitter-ka safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay kulan dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto.

Kulankaas ayaa waxaa la sheegay looga hadlay xaaladaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka iyo khilaafka ka dhex jira dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka.

Intiisa badan kulanka oo diiradda lagu saaray is faham darida siyaasadeed ee dalka ka jirta ayaa qoraalka safaaradda oo kobnaa waxaa lagu yiri ” wadashaqayn dhexmarta Dawladda Federaalka Soomaaliya, Dhamaan dawlad goboleedyada iyo xubnaha beesha caalamka ee la shaqeeya Soomaaliya waa furaha dib u soo noolaynta Somaalida cusub.

Warar aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in dawladda Maraykanku uga gol leedahay kulanka uu xalay safiirku la yeeshay Kheyre sidii isfaham siyaasadeed u dhexmari lahaa dawladda dhexe ee iyo maamul goboleedyada, si loo gaaro doorasho midaysan 2020-21.

Kulankaan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, iyadoo war-saxaafadeedkii ka soo baxay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey looga hadlay hirgalinta doorasho loo dhan yahay, xasilooni siyaasadeed iyo arrimaha maamul goboleedyada oo si gaar ah Jubbaland loogu soo hadal qaaday.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.