Dad ku dhintay qarax ka dhacay dalka Ciraaq.

0

Ugu yaraan lix ruux ayaa dhimatay halka 15 ruux oo kalana ay dhaawacmeen kadib qaraxyo ka dhacay caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad.

Ilaha amaanka iyo kuwa caafimaadka ayaa ku waramaya in sadax ruux ay ku dhinteen halka shan kalana ay ku dhaawacmeen qarax loo adeeg saday mooto oo ka dhacay degmada Shaab, ee waqooyiga magaalada caasimada ah.

Qarax kale oo isagana mooto loo adeegsaday ayaa ka dhacay koonfur galbeed degmada Bayaa, halkaasi oo ay ku dhinteen labo ruux halka lix kalana ay ku dhaawacmeen.

Qaraxyadan oo gaarayay illaa iyo sadax, ayaa waxa ay kusoo beegmayaan xilli dalka Ciraaq ay ka soconayaan dibad baxyo waa wayn oo looga soo horjeedo dowladda.

Ugu yaraan 330 ruux ayaa ku dhintay dibad baxya tan iyo markii ay bilawdeen horaantii bishii October.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.