Cudurro halis ah oo ka dilaacay Ceelwaaq

0

Wararka aan ka heleyno degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in isbitaalka magaaladaas lagu dabiibayo dad ay soo riteen cudurro kala duwan oo qaarkood aan la garanay.

Mid ka mid ah Xildhibaanada isbedel doonka ah ee Jubbaland oo lagu magacaabo Cabdullaahi Diini Xasan ayaa noo sheegay in dadkii ay soo riteen cudurada ka dilaacay degmada Ceelwaaq ee koonfurta Soomaaliya qaar ka mid ah haatan lagu dibiibayo isbitaalka Guud ee magaalada isagoo sharaxay waxa ay kala yihiin cuduradaas.

Cuduradaan ka dilaacay qeybo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa ku soo aadaya iyadoo ay dalka ka da’een roobab mahiigaan ah, waxaana soo baxaya digniino ku aadan inay cudurro ka dilaaci karaan qeybo ka mid ah dalka, maadaama ay magaalooyinka qaar wabiyadu ku fataheen kuwo kalana ay ku rogmadeen daadad ka dhashay roobka dalka ka da’aya ee deyrta.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.