Wasiir Cawad iyo dhigiisa Sucuudiga maxay uga hadleen kulankoodii Jeddah?

0

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya  Axmed Ciise Cawad, ayaa magaalada Jeddah kula kulmay wasiirka arimaha dibadda Boqortooyada Sucuudi Carabiya Amir Faisal Bin Farhan Bin.

Kulanka labada Wasiir ayaa sida la sheegay diiradda lagu saaray dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyo siyaabaha lagu gaari karo danaha u dhexeeya Muqdisho iyo Riyadh.

Waxay sidoo kale ka wada hadleen arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee danta labada dhinac ah iyo ahmiyada ay leedahay sii wadida wadatashiga iyo isku duwista arrimaha guud.

Dowladda Sacuudiga ayaa waxaa ay kamid tahay dalalka taagera dowladda Soomaaliya, iyada oo dhowr jeer lacago kala duwna ugu deeqday Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.