Sawirro : Roobabkii ka da’ay Muqdisho oo khasaare sababay

0

Waxaa shalay gelinkii dambe illaa xalay  Muqdisho ka da’ay roobab ay ka dhasheen daadad xoogan oo sababay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyey waxaa roobabkaani ku dhintay labo, iyadoo la soo badbaadiyey illaa saddex caruur ah oo dhismo uu ku soo dumay.

Saameynta ugu daran ayaa waxaa ay daadadku ku yeesheen dadka barakacayaasha ah iyo kuwa danta yar ee ku dhaqan magaalada Muqdisho

Sidoo kale biyaha ayaa jaray inta badan Waddooyinka Caasimada, iyadoona saaka aysan shaqeyneyn gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay intaba.

Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa xalay kormeeray xaafadaha ay saameeyeen daadadka ka dhashay roobabkaasi.

Duqa Muqdisho ayaa booqday degmooyinka Boondheere, Shangaani, Xamarweyne, Wadajir, Xamar-ajab iyo Hodan, isagoo u u kuur galaya sida ay tahay xaaladda.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa faray waaxyaha gurmadka deg degga ah in ay u istaagaan ka hortagga dhibaatooyin bani’aadanimo oo ka dhashay daadadkaasi.

66
66
77
77
88
88
111
111
333
333
444
444
999
999
2222
2222
5555
5555

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.