Iran oo ku hanjabtay in ay bur burineyso Mareykanka iyo xulafadiisa.

0

Dowladda Iran ayaa sheegtay in bur burin doonto dowladda Mareykanka iyo xulafadeeda haddii ay isku dayaan in ay kusoo xad gudbaan dowladda Tehran.

Madaxa ugu sareeyo ciidamada ilaalada kacaanka Iran ayaa sidaasi sheegay xilli todobaadkii lasoo dhaafay ee dalkaasi ka dhaceen mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda.

Dibad baxyada ayaa ka dhashay kadib markii ay dadku caroodeen qiimaha shidaalka oo sara loo qaaday.

General Hussein Salami ayaa dibad baxyada ku eedeeyay dowladaha Mareykanka , Ingiriiska, Israel iyo Boqortooyada Sucuudiga kuwaas oo dhamaantood Iran u aragto in ay ku yihiin cadow.

“Waxaan u muujinay dulqaad cadowgeena Mareykanka, Yahuuda iyo Sacuudiga balse waan bur burin doonaa hadday isku dayaan in ay kusoo xad gudbaan Iran” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxa ugu sareeyo ciidamada ilaalada kacaanka islaamiga ah ee Iran.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.