Hargeysa: Sagaal nin oo u dhashay Imaaraadka oo xabsiga la dhigay

0

Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay sagaal nin oo u dhashay waddanka Imaaraatka Carabta, kuwaas oo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah uga ugaar sanayeen degaanada Somaliland.

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda degaanka Somaliland, ayaa laga soo xigtay in raggaasi saakay lagu qabtay  garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, xilli ay doonayeen inay ka dhoofaan garoonka.

Sagaalkan ruux ayaa loo heystaa inay ugaar badan ku laayeen degaanka Saba-wanaag oo ka tirsan gobolka Waqooyi Galbeed ee xaruntiisu tahay magaalada Hargeysa.

Sawirro lagu baahiyey baraha bulshada ayey ka soo muuqdeen raga saakay la xiray iyaga oo kor dhooban ugaar badan oo dhulka daadsan, kuwaas oo ay soo disheen sagaalkaas nin.

Bulshada ku dhaqan degaanka Sabo-Wanaag, ayaa warbaahinta u sheegay in markii raggaas ay deegaanka yimaadeen, ay dadweynaha u sheegeen inay mashaariic ka fulinayaan deegaanka, balse ay ku dhaqaaqeen ugaarsi sharci darro ka ah deegaanada Somaliland.

1
1
2
2
3
3
4
4

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.