Dhul gariir xoog leh oo ku dhuftay dalka Albania.

0

Ugu yaraan lix ruux ayaa ku dhimatay Dhul gariir xoogan oo cabirkiisu dhan yahay 6.4 cabirka dhul gariiryada oo ku dhuftay qaybo kamid ah dalka Albania.

Afhayeenka wasaarada difaaca ee dalka Albania ayaa xaqiijiyay dhimashada dadkan isagoona sidoo kale sheegay in ay dhaawacmeen ku dhawaad 150 ruux.

Kooxaha gurmadka deg dega ah qaabilsan ayaa warbaahinta u sheegay in dadka dhintay ay ku jirto haweenay da’ ah oo isku dayeesay in ay bad baadiso wiil yar oo ay ayeeyo u tahay.

Afhayeenka wasaaradda difaaca ayaa sidoo kale sheegay in ay wali socdaan hawlaha gurmadka ah ee loo fidinayo dadka ay dhibaatadu gaartay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.