Ahlu-Sunna oo afar qodob ka soo saartay doorashada Galmudug

0

Hoggaanka sare ee Ahlu Sunna ayaa xalay go,aanno cusub ka soo saaray xaaladda Galmudug, gaar ahaan doorashada maamulkaas.

Qodobada oo ka kooban illaa afar ayaa dhamaantood waxay yihiin kuwa liddi ku ah dowladda federaalka  Soomaaliya oo garwadeen ka ah dhismaha maamulka Galmudug, horayna u sheegtay inay dhisi doonto Galmudug loo dhanyahay.

Sidoo kale hoggaanka Ahlu-Sunna ayaa isku raacay in mar kale warqad ashtako ah oo looga soo horjeedo dowladda loo diro beesha caalamka.

Waxaa kaloo qoraalka ka soo baxay Ahlu-Sunna lagu sheegay inay dhowaan shaacin doonaan habraaca doorashada ee maamulka Galmudug.

Hoos  ka akhriso qodobada ka soo baxay kulankii xalay ee hoggaanka Ahlu-Sunna:

1: In Ahlu-sunna ay mar kale Warqad ashtako ah u dirto Beesha Caalamka, taas oo ay ku sheegayaan in dowladda iska dhega tirtay heshiiskii ay wada galeen,isla markaana ay guda gashay xulista Baarlamaanka cusub ee Galmudug.

2: in Guddiga Farsamada iyo dhismaha Galmudug ee uu Magacaabey Sheekh Shaakir ay muddo Todobaad gudahood ay kusoo xulaan kuna shaaciyaan Xubno Baarlamaan oo ka kooban 89 Xubnood.

3: In Ahlusunna wadatashi kadib ay soo saari doonto habraaca doorashada Galmudug iyo mowqifkooda howlaha ay dowladda Federaalka ka wado deegaannada Galmudug.

4: In tallaabo kasta oo ay qaadayaan Ahlusunna ay noqdaan kuwo taxadar leh, iyada oo hoggaamiyaha Ahlusunna uu walaac badan ka qabo sida ay dowladda u wado dhismaha maamulka Galmudug.

Shalay ayey aheyd markii guddiga farsamada oo ay ku dhawaaqday dowladda dhexe uu shaaciyey jadwadka doorashada baarlamaanka iyo mida madaxweynaha ee dowlad goboleedka Galmudug.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.