Xildhibaan Daleys oo golaha shacabka ka hor sheegtay in hor istaag ay kala kulantay NISA

0

Xildhibaan Daleys Xasan Aadan oo ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulanka golaha shacabka waxaa ay ka hor sheegtay in garoonka diyaaradaha Muqdisho looga hor istaagay safar ay ku tagi lahayd gobolka Gedo.

Waxaa ay sheegtay xildhibaan Dalays in is hortaag  ay ku sameeyay hay’ada nabad Sugidda Qaranka (NISA).

Sidoo kale Xildhibaan Dalays ayaa waxaa ku baaqday in guddoonka golaha shacabka arintaasi ay wax ka qabtaan, lana xisaabtamaan cida uu ka soo baxay amarka lagu hor istaagay.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in ajandaha kulanka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya lagu daray, si looga dooday dhibaatada ay la kulantay xildhibaan Dalays Xasan Aadan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.