Guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug oo soo saaray jadwalka doorashada

0

Guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug ayaa Isniinta maanta soo saaray jadwalka hanaanka guud ee doorashooyinka maamulka Galmudug.

Warqad maanta ka soo baxday guddiga ayaa waxaa ku cad in 25-ka November oo maanta ah ay bilaabaneyso xaqiijinta odayaasha dhaqanka beelaha Galmudug, taas oo socon doonta ilaa 28-ka bishan.

Sidoo kale soo xulista xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Galmudug ayaa lagu cadeeyay warqadda  inay bilaabaneyso 29-ka bishan, taas oo ku eg sagaalka bisha nasoo aadan ee Decenber.

Guddiga ayaa warqadda ku xusay in baarlamaanka cusub ee Galmudug la howl-gali doono 10-ka Decenber ilaa 12-ka bishas, waxaana doorashooyinka guddoonka la guda galayaa 13-ka isla Decenber, taas oo lasoo gaba-gabeyn doono 16-ka bishas.

Doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee maamulka Galmudug ayaa sidoo kale lagu cadeeyay warqadda inay bilaaba doonto 17-ka Decenber, taas oo lasoo gaba-gabeyn doono 23-ka bisha nasoo aadan ee Decenber.

7f83f3d2 7598 48d7 9681 035af6bf40d8
7f83f3d2 7598 48d7 9681 035af6bf40d8

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.