Dibadbaxayaal iska soo horjeeda oo ku dagaalamay caasimadda Lubnaan.

0

Ciidamada amaanka dalka Lubnan ayaa rasaas caag ka samaysan u adeegsaday kala cayrinta dibadbaxayaal iska soop horjeeda oo ku dagaalamay caasimada dalkaas ee Bayruut.

Taageerayaasha ururada Xisbullah iyo Amal iyo dad kasoo horjeeda dawlada ayaa gacanta iskula tagay bartamaha maagaalada caasimada ah.

Taageerayaasha ururada Xisbullah iyo Amal ayaa isku dayay inay xoog u adeegsadaan kala cayrinta dibad baxayaasha taasoo keentay in gacan ka hadal dhasho.

Mar dambe ciidamada amniga ayaa goobta gaaray waxaana ay adeegsadeen gaaska dadka ka ilmaysiiya iyo rasaas caag ka samaysan.

Labada ururka ee Amal iyo Xisbullah ayaa la dhacsan siyaasadda r/wasaarihii is casilay ee Sacad Al-Xariiri.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.