Mudo kordhin mar kale loo sameeyay Golaha wakiilada Somaliland

0

Golaha guurtida Somaliland ayaa mudo kordhin labo sano ah u kordhiyay golaha wakiilada Somaliland, kuwaas oo mudo xileedkoodu ku ekaa 01-01aad ee sanadka 2020-ka.

Gudoomiye ku xigeenka golaha Guurtiga Saciid ayaa ka hor akhriyay golaha soojeedinta guddi loo xil saaray arintaas, intaas kadibna guddoomiyaha guurtida Somaliland Saleebaan ayaa cod geliyay inta soo jeedintaa ogol iyo inta diidan.

Kulanka oo ay soo xaadireen 71 mudane ayaa waxaa waqti kordhinta u codeeyay oo ogolaatay 70 mudane, waxuuna halka dhiman ahaa guddomiyaha oo aan isagu codeyn.

Mudo kordhintan ayaa noqonaysa tii lixaad ee golaha wakiilada loo sameeyo kuwaasoo kuraasta fadhiya haatan mudo 15-sano ah.

Bdeb1cf0 Ff40 4782 A1d1 2c34f70939c7
Bdeb1cf0 Ff40 4782 A1d1 2c34f70939c7
Df044563 B67f 4525 97f8 0abd239e6c27
Df044563 B67f 4525 97f8 0abd239e6c27

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.