Dibad baxyaasha Hong Kong oo fariin u diray Shiinaha.

0

Dibad baxyaasha dimoqoraadi doonka ee Ismaamulka Hong Kong ayaa ku baaqay in aanan larabshadeen doorashooyinka maxaliga ah ee maamulkaasi ka dhacaya maanta oo Axad ah.

Kooxaha dimoqoraadi doonka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in doorashadu ay noqon doonto mid fariin u dirto dowladda Beijing, kadib shan bilood oo maamulkaasi ay ka taagan tahay xisilooni daro siyaasadeed.

In kabadan 400 gole ayaa lagu dooranayaa doorashada golaha degmooyinka.

Kooxaha u ololeeya dimoqoraadiyada ayaa ku doodaya in hadii ay sara u qaadaan matalaadooda golaha deegaanka ay saameyn ku yeelan doonaan soo xulista madaxa fulinta maamulka.

Doorashada maxaliga ah ee maanta dhaceeso ayaana loo diiwaan galiyay in ay codkooda ka dhiibtaan ilaa iyo 4.1 milyan oo ruux.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.