Axmed Madoobe oo safar dibadda ah saakay u baxay kadib dib u doorashadiisii

0

Madaxweynaha Jubbaland Ahmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saakay safarkii ugu horeeyay tan iyo markii dib loo doortay u amba baxay dalka dibadiisa.

Axmed Madoobe ayaa u dhoofay dalka Kenya oo uu taageero badan ka heysto maamulkiisu, waxaana ilaa hadda la ogeyn waxa uu salka ku hayo safarka Axmed Madoobe.

Warar ayaa ka soo baxaya safarka uu saaka Nairobi ku tagayo Axmed Madoobe, mana jirto waxa faahfaahin ah oo uu maamulkiisu ka bixiyey safarkaas.

Madaxda dowladda Kenya ayaa lagu wadaa inuu kula kulmo halkaas, waxaana xusid mudan in dowladda federaalka aysan madaxweynaha Jubbaland u aqoonsanayn Axmed Madoobe oo 22-kii Agosto markii sedaxaad dib loogu doortay madaxweynaha Jubbaland.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.