Wasiir ka tirsan xukuumadda oo looga yeeray golaha shacabka si loola xisaabtamo

0

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa u qabtay in muddo 10 cisho gudahood uu hor-yimaado baarlamaanka Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar.

Wasiirka ayaa la faray inuu baarlamaanka hor-yimaado 1-da bisha December, si uu uga jawaabo su’aalo ku qoran soo jeedinta illaa 10 Xildhibaan oo dalbaday in loo yeero, si wax looga weydiiyo howlaha shaqo ee Wasaaradda iyo xayiraadii diyaaradaha aada magaalada Kismaayo.

Bishii hore ee October ayaa xildhibaano tiro ahaan gaaraya 10  oo ka tirsan golaha shacabka waxay saxiixeen mooshin soo jeedin ah oo ku saabsan in loo yeero Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, waxaana soo jeedinta xildhibaanada ku lifaaqaan su’aalo dhowr ah oo la xiriira xayiraadii diyaaradaha Kismaayo iyo cida bixisay amarkii lagu hakiyay diyaaraddii qaadi laheyd Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.