Qarax ka dhacay Muqdisho iyo qofkii geystay oo la qabtay
Waxaa faah-faahino dheeraad ah laga helayaa qarax goor dhow ka dhacay Isgoyska 14-ka Octobee, Ex Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa la xaqiijiyay in lagu xiray gaari nuuca raaxada ah oo yaalay meel aan ka fogeyn Isgoyska oo wadada dhinaceeda ah, waxaana ka maqnaa gaariga xiliga qaraxa lagu xirayay ruuxii lahaa.
Qaraxaas ayaa waxaa ku dhawacmay qof haweney ah oo ku sugneyd goob ganacsi oo halkaasi ku tiilay, sidoo kale waxaa gabi ahaanba dab qabsaday gaarigii qaraxa lagu xiray.
Gaariga markii uu qarxay kadib ayaa dadweynihii halkaasi ku sugnaa waxay gacanta ku dhigeen qofkii gaariga ku xiray walxa qarxa, maadaama ay arkayeen markii uu gaariga ku xirayey qaraxa waxaana ay ku warejiyeen ciidamada ammaanka
Intaas kadib ciidamada amaanka oo goobta tagay ayaa risaaseyay dadkii halkaasi ku sugnaa, oo iyagu daminayay gaariga qarxay oo gubanaya, waxayna dadkii shacabka ahaa ku guuleysteen daminta dabkii ka dhashay gaariga.

