Ninkii isku qarxi rabay Gurceel oo maanta lagu maxkamadeynayo Dhuusamareeb

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybteeda darajada koowaad ayaa lagu wadaa in maanta Dhuusamareeb lagu soo taagaayo nin bishii 5aad ee sanadkan ciidamada Galmudug ay ku qabteen maagalada Gurceel, xili oo doonaayay inuu is ku qarxiyo masuuliyiin ka tirsan Galmudug.

Munaasabadaasi  ayaa lagu xusayay askartii ku geeriyootay dagaaladii ay Ahlu-sunna gobolada dhexe kula gashay Al-Shabaab.

Ninkaan ayaa saacadaha soo socda waxa ay maxkamadeentiisa ay ka bilaabanaysaa magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan maamulka.

Maalmo ka hor waxaa  Dhasamareeb garaay sarakiil uu horkacaayo gudoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute iyo xubno kale, kuwaas oo halkaas u tagay maxkamadeynta dad loo heysto dembiyo kala duwan

Saraakiisha maxkamadda ciidamada qalabbka sida oo todobaadkii tagay gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa halkaas ku xukumay ruux ka mid ahaa dagaalamayaashii weeraray xarun uu Gaalkacyo ku lahaaa wadaad lagu magacaabi jiray Sheekh Cabdiwali Sheekh Cali Cilmi Yare,

Weerarkaas waxaa ku dhintay Sheekh Cabdiwali iyo xubno ka tirsanaa xertiisii, waxaana ninkaas oo nolosha lagu qabtay ay maxkamadda ciidamadu ku xukuntay dil toogasho ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.