Maxamuud Sayid Aadan oo ah madaxweyne ku xigeenka koowaad maamulka Jubbaland oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa beeniyay in ay jiraan ciidamo iyo mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Gedo oo ka goostay maamulkooga.

0

Maamul goboleedka Jubaland ayaa dowladda federaalka ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay faragelin ku hayso qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo, faragelintaas oo ay sheegeen in ay gadaal ka riixayaan xoogag shisheeye.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyin ka tirsan gobolka Gedo ay shaaciyeen in ay Jubbaland ka goosteen oo ay haatan toos u hoos tagaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka.

Maxamuud Sayid Aadan oo ah madaxweyne ku xigeenka koowaad maamulka Jubbaland oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa beeniyay in ay jiraan ciidamo iyo mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Gedo oo ka goostay maamulkooga.

Hase yeeshe waxa uu sheegay in ciddii culeys lagu saaro in ay Jubaland ka tagto oo ay dowladda federaalka u shaqo tagto ay arrintaasi xor u tahay, waxa uuna intaasi ku daray in mas’uulki ka tirsan maamulkooga ee shaqada ka taga ay isla markiiba booskiisa buuxinayaan oo cid kale ay xilkaasi u dhiibayaan.

Mar wax laga weydiiyay sababta uu u tagi la’yahay deegaannada gobolka Gedo ee Beled-Xaawo, Luuq iyo Doolow oo sheegay in ay ka goosteen maamul goboleedka Jubaland ayaa Maxamuud Sayid Aadan waxa uu sheegay in uu ka baqay in rabshado ay halkaasi ka dhacaan balse dadka ay arrimaha gobolkaasi khuseyso ay wada hadleen.

Waxa uu beeniyay in shacabka degmooyinkaasi qaar ay ku muddaharaadeen oo ay u diideen in degmooyinkaasi uu booqdo.

Xiisadda siyaasadeed ee degmooyinkaasi galbeedka gobolka Gedo ayaa ka dhashay xarig bilo ka hor magaalada Muqdisho loogu geystay wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan oo ilaa iyo haatan u xiran dowladda federaalka.

Wixii intaa ka dambeeyay waxaa soo baxayay warar ah in ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo si toos ah uga amar qaadanayay Cabdirashiid Janan ay markii dambe ku biireen kuwa dowladda dhexe.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.