Dowladda Soomaaliya oo ka hor timid daraasad ay ku tilmaantay been abuur

0

Wasaaradda beeraha iyo waraabka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo Iskaashatooyinka beeraleyda dalka ayaa si wada jir ah uga horyimid daraasad ay samaysay Jaamacad ku taalla waqooyiga dalka Ireland, taas oo sheegtay in cuduro laga helay Ganleyda iyo Masagada ka soo baxda beeraha dalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowladda Soomaaliya ayaa lagu cadeeyay in dalagyada dalku ay yihiin kuwa dabiici ah, isla markaana warbixinta laga soo saaray ay tahay mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo ku saxiixan war-saxaafadeedka ayaa been abuur ku tilmaamay daraasadda sheegeysa in Galleyda iyo Masagada Soomaaliya laga helay cuduro.

Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka wasaaradda:

22
22
Warsaxaafadeed Moai 1
Warsaxaafadeed Moai 1

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.