Dibadbax maanta ka socda qeybo ka mid ah Muqdisho

0

Wadayaasha gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ayaa saakay banaanbaxyo ka dhigaya  qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Gaadiidleyda ayaa dibadbaxayadan uga cabanaya canshuur ay sheegeen inuu ku soo rogay maamulka gobolka Banaadir, taas oo ay sheegeen inaysan awoodin wadooyinkii ay ka shaqeyn la haayeen qaar kood ay ka xiratay dowladdu.

Banaan-baxyadaan ayaa ka socda isgoysyada Afarta Jardiin, Fagax iyo Towfiiq iyo goobo kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho, waxayna ka cabanayaan canshuurtaas ay sheegeen in lagu kordhiyay.

Qaar ka mid ah dadka banaanbaxa dhigaya oo warbaahinta la hadalay ayaa maamulka gobolka Banaadir, si gaar ah guddoomiye Cumar Filish waxay ka dalbadeen in laga dhaafo canshuurta lagu soo kordhiyay tii horay looga qaadi jiray.

Maamulka gobolka Banaadir ayaan wali ka jawaabin cabashadaas ka soo yeertay qaar ka mid ah wadayaasha gadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.