Bandaw lagu soo rogay caasimada dalka Kolombiya

0

Amar kasoo baxay duqa magaalada caasimada u ah dalka Kolombiya ee Bogota ayaa lagu soo rogay magaalada bandow ayadoo ay willi banaanbaxyo ka socdaan.

Duqa caasimada oo la yiraahdo Enrique Peñalosa ayaa sheegay in magaaladu bandow tahay oo ay mamnuuc tahay in dadku isku soo baxaan waxaana ciidamada amray inay dhaqan galiyaan amarkiisa.

Wax yar kadib markii amarku soo baxay ciidamada booliska ayaa awood u adeegsaday kala cayrinta boqolaal ruux oo dhigayay banaanbax ka dhan dawlada.

Banaanbaxyaasha ayaa dawlada ku eedeeyay wax isdabo marin iyo lunsasho hanti qaran.

Dibad baxayaasha qaar ayaa isku dayaya inay xoog ku jiiraan baro ay sameysteen ciidamada amaanka waxaana dadka qaarkiis ku hor banaanbaxeen guriga uu daganyahay m/weynaha dalkaas Iván Duque.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.