Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Miisaaniyaddii ugu badneed abid

0

Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa Sabtida maanta ah ansixiyay odoroska Miisaaniyadda maamulka ee sannadka 2020-ka, taas oo Khamiistii ay wasaaradda maaliyaddu u gudbisay Baarlamanka.

Kulankii maanta ee golaha wakiilada ayaa waxaa soo xaadirtay 44 xildhibaan, kuwaas oo dhamaantood cod-gacan taag ah ku ansixiyeen miisaaniyaddii la hor keenay, mana jirin cid diiday ama ka aamustay.

Odoroska Miisaaniyadda oo dhan $346,416,158.99, ayey golaha wasiirrada Puntland ansixiyeen Arbacadii lasoo dhaafay, kadib kulan aan caadi ahayn oo ay ku yeesheen xarunta wasaaradda maaliyadda ee magaalada Garowe.

Miisaaniyadan oo tii ugu badneyd ah, waxaa la sheegay inay ku jiraan lacago loo qoondeeyay hawlaha horumarinta, kuwaas oo laga xusay wadooyinka Ceeldaahir ilaa Ceerigaabo, Garowe ilaa Laascaanood iyo wadada Garowe ilaa Bosaaso.

Sidoo kale waxaa ka mid ah  horumarinta adeegyada bulsho ee as’aasiga ah sida hirgelinta ceel biyoodyo, horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo sugidda amniga.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.