Tababarihii kooxda Totenham oo shaqada laga ceyriyey.

0

Masuuliyiinta kooxda Totenham ayaa shaqada ka ceeriyay tabarihii kooxdaasi Mauricio Pochettino, oo kooxdaasi hogaaminayay sanadihii ugu ugu danbeesay.

Pochettino, oo 47, sano jir ah ayaa ahaa tabaraha kooxda Spurs shantii sano ee lasoo dhaafay ayaa sanadkii hore kooxda u horeesay in ay tiigsato kama dambeesta horyaalka qaaradda yurub.

Tababarihii hore ee kooxaha Manchester United iyo  Chelsea ayaa lagu wadaa in uu badalo tababaraha shaqada laga ceeriyay inkastoo aanan wali si rasmi ah loo shaacinin heshiiskiisa.

Tababare Mauricio Pochettino, qudhiisa ayaa lagu wadaa in uu leeliyo mid kamid ah kooxaha ugu waa wayn qaaradda yurub.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.