Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka war bixiyey kulankii ay Farmaajo kula yeesheen Villa Somalia, Daawo

0

Iyadoo maanta markii ugu horeysay ay kulan wada tashi ah isku soo hor fadhiisteen madaxweynayaashii hore dalka Xasan Sheikh Maxamuud iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo madaxweynaha hadda talada haya ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa shir jaraa’id oo ay qabteen uga hadlay kulankaas xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran.

Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo ka war bixiyey kulankii ay maanta Madaxtooyada kula qaateen madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu sheegay in kulankaas ay uga hadleen arrimo dhowr ah oo uu ka xusay, nuuca ay noqoneyso doorashada 2020/21 dalka ka dhaceysa, xalinta khilaafaadka hareeyay siyaasadda dalka, aminiga guud ee dalka, horumarinta gobolka Banaadir iyo arrimo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in la isla afgartay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin, inaan amniga la siyaadadeyn, in ciidamada iyo hey’adaha amnigu ay ka madax banaanaadaan siyaasadda dalka, hadii uu dhaco khalad farsamo inaan la siyaasadeyn, gobolka Banaadir iyo dadka ku nool in wax laga badalo xaaladaha ay hadda ku jiraan, sida in la helo matalaad dhab ah, in la qurxiyo, in la dhiso kaabayaashiisa dhaqaalaha, isagoo sheegay in Farmaajo uu ka aqbalay arintaas wixii farsamo ahna ay isago u taallo.

“Jawiga uu wada hadalkaas noogu bilaawday wuu fiicnaa, waxaana is leeyahay wadahadalada kale ee soo socdana wey ka sii fiicnaa doonaan, waxyaabihii ugu haboonaa oo dadku ay u dhag taagayee waxay ahaayeen arimaha doorashooyinka, ka hadalka arintaas waqti badan ayaan galinay, waxaana isla soo fahanay in dalkaan ay doorasho ka dhacdo waqtigeeda, wax kororsiimo ahna aysan jiri doonin, iyadoo doorashadaas ay ka wada qeyb gali danaan dhamaan hey’adaha dastuuriga ah, wixii aan isla garanayna dad farsamo ayaa loo magacaabi doonaa oo loo xilsaari doonaa si ay u dhaqan galiyaan” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Hadalkiisa ayuu sii raaciyay, “Gaba gabadii waxaan isla garanay oo isla meel dhignay  in dalkaan uu dagaal ku jiro, in loo midoobo dagaalka ka dhan ka ah Al-Shabaab, shacab iyo siyaasi waa inaan u midownaa dagaalka aan kula jirno, dhamaanteen ayuu cadaw nagu yahay, in Shabaab dalka laga xoreeyo sida ugu dhaqsiyaha  bandanna waan isla garanay”.

Halkaan ka Daawo:

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.