Labada gole ee BFS oo maanta yeelanaya kulankii ugu horeeyay oo wadajir ah

0

Arbacada maanta ah ee 29 November waxa jira kulan si wadajir ah ay u yeelanayaan xildhaanada labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Ajandayaasha kulanka wadajirka ah ee maanta ayaa lagu sheegay, akhrinta koowaad ee Miisaaniyadda dowladda sanadka soo socda ee 2020-ka.

Sidoo kale fariin  loo qeybiyay xildhibaanada golaha shacabka ayaa lagu wargaliyay in ajendayaasha kale ee kulanka maanta ay kala yihiin, akhrinta koowaad ee Xisaab Xirka masaaniyadda sanadkii lasoo dhaafay ee 2018-kii iyo warbixin ku saabsan safarkii uu  guddoomiyaha baarlamaanka maalmihii lasoo dhaafay  ee ku tagay dalka Ethiopia.

Waa kulankii ugu horeyey oo si wadajir ah ay ku yeelanayaan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, goor sii horeysay xal laga gaaray khilaaf muddo  ka dhexeeyay.

Heshiiskii horay u dhex maray labada guddoomiye ee golaha shacabka iyo Aqalka Sare ayaa qodob ka mid ah waxa uu dhigayay in miisaaniyadda dowladda markii ay soo ansixiyaan golaha wasiirrada, ay labada gole kulan wadajir ah ku meel mariyaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.