Kulan xasaasi ah oo maanta ka dhacaya Villa Somalia

0

Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Madaxtooyada uu ka dhoco kulan u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo labadii madaxweyne ee ka horeysay Xasan Sheikh Maxamuud iyo Shariif Sheikh Axmed.

Shirka oo horay loo sii iclaamiyey, kadib dalab ka yimid madaxda dowladda federaalka ayaa lagu madalsanyahay in la isku soo hor fariisto duhuradii Arbacada maanta, sida ay noo xaqiijiyeen xildhibaano iyo siyaasiyiin ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran.

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kulankaas uu qeeyb ka noqon doono Ra’iisul Wasaare Khayre, waxaana lagu wadaa in madaxda dowladda federaalku ay raalli gelin ka bixiso falkii dhowaan lagula ka kacay labada madaxweyne oo ku sii jeeday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, iyo tii ka sii horeysay ee loo geystay Sheikh Shariif xilli uu ku wajahnaa magaalada Kismaayo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.