Amarro lagu soo rogay M/Dhuusamareeb oo ka dhaqan galay+Sawirro:-

0

Hey’adaha ammaanka ee magaalada Dhuusamareeb ayaa soo saaray amarro xalay ka dhaqangalay magaaladaas oo lagu mamnuucay hubka sida sharci darada ah loogu dhex qaato magaalada iyo bacda madow ee lagu dhajiyo muraayadaha gaadiidka.

Ciidamada ammaanka ayaa la arkayay iyagoo xalay gaadiidka ka howlgala magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ka fiiqaya bacda loo yaqaano Beensalka.

Sidoo kale ciidamada ayaa mid-mid u baarayay gaadiid iyo dadkaba, waxayna sheegeen saraakiisha boolisku in howlgalkan lagu xaqiijinayo amniga magaalada caasimadda u ah maamulka Galmudug.

Taliyaha ciidanka booliska ee magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada lagu sugayo amaanka magaalada, waxayna amarradaan ka dhanka ah qaadashada hubka sharci darada ah iyo gadiidka muraayadaha madow leh ku soo aadayaan iyadoo habeen ka hor laga dhaqan galiyay degmada Gurceel ee isla gobolka Galgaduud.

1
1
2
2
3
3
4
4

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.