Xaliimo Yarey oo sheegtay in loo diiday xarumihii ay ka furan lahaayeen gobolada dalka

0

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in dowlad goboleedyada dalka ka jira ay diideen in magaalooyinka waaweyn ee dalka uu xisbigu xarumo ka furto.

Xaliimo Yarey ayaa sababta ay u diideen madaxda maamuladaas ku sheegtay inaysanba dooneyn inay dhacdo doorasho dadku codeynayaan oo xildhibaanadii dib u soo dooran lahaa ay iyagu soo xushaan.

“Waxay u diidayaan xildhibaanka inay iyagu soo xulaan shacbigu inuu doorto marabaan, madaxweynaha waxa uu rabaa inuu dhaho reer hebel kaas hala iiga keeno markii doorashada la gaaro, lkn waxay iloobeen in markii bari uu baarlamaanka weyn tago inuusan aqoon oo balanta uu uga baxayo” ayey tiri Xaliimo Yarey.

Hadalkeeda ayey sii raacisay, “Anigu siyaasad dambe marabo, xildhibaan, wasiir iyo xil dambe ma rabo, meel ayaan fadhiisanaa, gabdhaha ayaan wax barayaa, waa idiin sheegee in kama qarinayo”.

Mar la hadalaysay madaxda hadda dalka ka talisa ayey tiri, “Dowladeena waxaan ka sugeynaa inay xisbigii keento hadey doorasho rabo”.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.