Wasiirka Qorsheynta oo war ka soo saaray wadahadal u socda Somaliya iyo Talyaaniga

0

Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in dowladda Talyaaniga ay Soomaaliya kala noqotay lacag ay horay ugu balan qaaday oo lagu dhisi rabay biyo xireen lagu xakamayn lahaa fatahaadaha wabiga Shabeelle, ayeysan dowladdu si daah furan wali uga hadlin arintaas in kastoo mas’uuliyiin ka tirsan dhowr mar soo hadeen.

Wasiirka wasaaradda qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka oo uu uga hadlayo arintaas ayaa sheegay in ilaa hada aysan jirin wax heshiis ah oo la kala saxiixday, balse dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga uu u socdaan wadahadal la iskula meel dhigayo arinta maal galinta biyo xireenka wabiga Shabeelle.

”Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay ka wada xaajoonayeen suurta galnimada in laga caawiyo ka hortaga Fatahaadaha,mashruucan ayaa waxaa soo jeediyay dowladda Talyaaniga, waxaana wali noo socda wadahadallo ku saabsan arintaas, ilaa iyo hadda ma jiro mashruuc la ansixiyay ama la saxiixay” ayuu ku yiri Wasiir Jamaal qoraal kooban oo uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.