Dowladda Afghanistan oo sii deysay hoggaamiyaal sare oo Taliban ka tirsan

0

Sadex hogaamiye oo ka tirsan ururka Talibaan oo laga sii daayay xabsi ku yaala dalka Afghanistan ayaa gaaray dalka Qatar

Hogaamiyaashaan lasii daayay waxay qeyb ka yihiin heshiis maxaabiis isdhaafsi ah oo dhex maray dawlada Afghanistaniyo ururka hubeysan ee Taliban.

Xubnaha maanta ka degay magaalada Dooxa waxaa ka mid ah nin la yiraahdo Anas Xaqaani oo ka tirsanaa saraakiisha ugu sar saraysaa dagaalamayaasha ururka Taliban.

Hogaamiyaashaan Taliban ka tirsan waxaa lagu badashay 2 ruux oo u kala dhashay dalalka Maraykanka iyo Australia kuwaasoo iyana maanta galinka dambe lasii dayn doono.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.