Dad ku geeriyooday buur ku duntay dalka Hindiya.

0

Inta la xaqiijiyay 6 ruux oo 4 ka mid ah ay askar yihiin ayaa ku geeriyootay kadib markii ay kusoo duntay buur baraf ah oo ku taala gobolka Kashmiir qeybta ay Hindiya maamusho.

Afhayeen u hadlay ciidamada Hindiya ayaa sheegay in buur dhirirkeedu ka badan yahay 5 kun oo mittir ay soo daadatay taasoo keentay inay dhulka la simaan dhismooyin dawladu leedahay oo buurta hoosteeda ku yaala.

Kooxaha gurmadka ayaa goobta gaaray waxaana ay soo saareen illaa 8 ruux oo barafka soo dumay ku hoos jiray

Korneyl Rajesh Kaaliya ayaa oo ka tirsan ciidamada Hindiya ee degen buuraha Himilaaya ayaa warbaahinta u sheegay in mar qura ay buurta gilgilatay kadibna ay duntay.

Sanadkii 2017 Sidaan oo kale baraf butaacay ayaa sababay dhimashada 24 ruux oo askari ku jireen isla gobolkaan Kashmiir.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.