Boosaaso: Faaf-faahino ka soo baxaya Nabadoon hooygiisa lagu weeraray

0

Wararka naga soo gaaraya  magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta  weerar lagu qaaday hoyga uu ka degan yahay magaaladaasi Boosaaso Nabadoon Cabdicasiis Cabdi Baydhabood oo kamid ah waxgaradka gobolka Bari.

Weerarkan ayaa la sheegay inuu salka ku haya xiisado muran ka dhashay dekadda magaalada Boosaaso iyo hadal kasoo yeeray Nabadoon Cabdicasiis Cabdi Baydhabood kadib markii uu ka hadlay qaabka ay u maamusho shirkadda DP World dekadda Boosaaso iyo heshiiskii u dhaxeeyey shirkadda iyo maamulka  Puntland.

Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa la sheegay in ay weerareen Nabadoon Baydhabood oo ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda  gobolka Bari, sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.

Qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Bari ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin weerarka lagu qaaday nabadoonka, islamarkaana waxaa ay sheegeen in qorshahan uu yahay mid lagu caburinayo shacabka iyo waxgaradka gobolka Bari.

Arintan ayaa waxaa ay ku soo aadaysa xili khilaaf uu u dhexeeyay maamulka Puntland iyo odayaasha ee gobolka Bari.

Dhawaan ayay aheyd markii  ciidamo ka tirsan Booliska maamulka Puntland  iyo ciidamo gadooday uu dagaal ku dhex maray magaalada Boosaaso, taasi oo la sheegay in xal laga gaaray.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.