Al-Shabaab oo war ka soo saaray qabsashadoodii deegaan ka tirsan G/Sanaag

0

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa markii u horraysay si rasmi ah u shaaciyay inay la wareegeen degaanka Gacan-maroodi oo ka tirsa degmada Yubbe ee gobolka Sanaag.

Qoraal Af-Carabiya oo lagu daabacay warbaahinta Ururka ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay Axaddii todobaadkan si rasmiya ula wareegeen degaanka Gacan-Maroodi oo qiyaastii 50KM u jirta magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Warbixinta oo cinwaan looga dhigay “ Al-Shabaab oo qabsatay degaankii ugu horreeyay ee istiraatiijiya oo ka tirsan Somaliland” ayaa lagu soo bandhigay sawirka dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo gudaha u sii galaya degaanka Gacan-Maroodi.

Sidoo kale, warbixinta ayaa legu sheegay in dagaalamayaashu halkaas qabsaday ay khudbado u jeediyeen bulshada degaanka, iyadoo lagu xusay inay tahay markii u horraysay ee ay qabsadaan degaan ka tirsan gobolada Somaliland.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.