Taliyihii Nabad-Sugida gobolka Mudug oo la dilay

0

Magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug waxaa caawa lagu dilay Taliyihii Nabad Sugidda gobolka Mudug.

Koox bistooladu ku hubeysan ayaa caawa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku weerartay Gaashaanle Sare Xaashi Aadan Cilmi oo ahaa taliyihii nabad-sugida iyo sirdoonka gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

Dilka taliyaha ayaa si gaar ah uga dhacay Xaafadda Suuq Barwaaqo ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Kooxdii  hubaysneed ee dilka u geysatay Taliyaha ayaa goobta is kaga baxsatay waxaana mas’uuliyadda dilkaas durba sheegtay Ururka Al-Shabaab.

 

Taliyaha ayaa xilliga la dilayay ku sugnaa meel aan sidaas uga fogayn gurigiisa, goobjogayaal ayaa noo  xaqiijiyay in xilliga ladilayay uu isku diyaarinayay in masaajid u dhawaa uu u aado salaadda Maqrib oo xilligaas la gelayay.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.