Mid ka mid ah ergadii soo xulay xildhibaanada oo lagu dilay D/Afgooye

0

Dabley hubeysan ayaa caawa degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ku dishay mid ka mid ah Ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka federaalka ee lagu soo doortay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Dhuun, waxuuna u geeriyooday rasaas ay la dhaceen koox dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa bistoolado salaadii makhrib kadib.

Dableyda dilka u geysatay marxuumka oo tiradooda lagu sheegay laba ruux ayaa goobta is kaga baxsatay, sida ay noo sheegeen dad goobjoogayaal ahaa xilliga uu dilku dhacayay.

Ciidamada ammaanka degmada Afgooye ayaa caawa xaafadaha kala duwan ee magaalada ka wada baaritaano ay ku doonayaan inay gacanta ku soo dhigaan dableydii dilkaas geysatay.

Wali ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka marxuumkaas ka tirsanaa ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.