Booliska Hong Kong oo xir xiray dibadbaxayaashii ugu badnaa

0

Booliska Honk Kong ayaa xir xiray boqolaal ruux oo
banaanbaxayaal kuwaasoo arday u badan sida ay warbaahintu sheegayso ciidamada ayaa gudaha u galay jaamacad ay ardaydu joogtay waxaana xir xireen in ka badan 100 ruux oo ciidamada uga dhuuntay dhismaha jaamacadda.

Isku dhacyo dhex maray ciidanka iyo dibadbaxayaasha ayaa tan xalay sii
xoogaysanayay waxaana jira in ciidamadu awood u adeegsanayaa kala

cayrinta dadka banaanbaxaya.

Sawirro ay warbaahintu qaar baahisay waxaa ka muuqda ciidamada oo dadka
gaaracaya gaas sun ah ku buufinaya.

War booliska Hong Kong kasoo baxay waxaa lagu sheegay in dadka looga
digayo inay wadooyinka sii joogaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.