Xeer ilaaliyihii Maxkamadda ciidamada Somaliland oo isku dhiibay Puntland

0

G/Dhexe Sahal Faarax Raage oo ahaa Xeer ilaaliyihii Maxkamadda sare ee ciidamada Somaliland ayaa sheegay inuu isku dhiibey maamulka Puntland, isagoo ka sheegay magaalada Garowe inuu iskaga tagay xilkii xeer ilaaliyaha ee uu u magacaabay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale Sarkaalkaas ayaa warbaahinta u sheegay inuu ka tanaasulay xubinnimadii Maxkamadda ciidamada Somaliland, isla markaana wixii ka dambeeya maanta uu ka tirsanyahay maamulka Puntland.

Ciidanka Daraawiishta maamulka Puntland ayuu sheegay inuu ka mid yahay wixii xiligaan ka dambeeya, isagoo sababta uu uga soo goostay Somaliland ku sheegay cadaalad darro uu sheegay inay hareysay hey’adaha kala duwan ee xukuumadda Somaliland.

Xaflad loogu sameeyay magaalada Garowe oo uu hadlakaan ka jeediyay ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland oo ku soo dhaweeyay magaalada.

Dhanka Somalilan wali kama soo bixin wax war ah oo ku aadan Xeer ilaaliyihii Maxkamadda sare ee ciidamadooda oo u goostay maamulka Puntland.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.