Wasiir Cawad oo sharxay kulankii Farmaajo iyo Uhuru una jawaabay Monica Juma

0

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa faah-faahin ka bixiyey kulankii ay maanta magaalada Nairobi ku yeesheen madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Cawad oo wareysi siiyey VOA ayaa ku adkeystay in la isku raacay in labada dal ay xiriir wanaagsan yeeshaan, oo kiiska maxkamadda ICJ uusan wax saameyn ah ku yeelan xiriirkooda.

“Kiiskii badda wuxuu jirayaa maxkamadda ICJ, madaxweynaheenuna si cad ayuu u sheegay, waxaana lagu heshiiyey in xiriirka labada dal lasoo celiyo ayada oo arrinta baddana aysan saameyn.” Ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Cawad oo wax laga weydiiyey hadalka wasiirka arrimaha dibedda Kenya ee ah in Farmaajo ogolaaday in kiiska ICJ laga gaaro xal ay ku wada qanci karaan labada dal ayaa sheegay in taasi aysan jirin.

“Aniga waxaan ahay dhigga wasiirka arrimaha dibedda Kenya, marka waxaa is-weydiin mudan maxay Soomaalida u rumeysanayaan hadalka wasiirka Kenya oo aysan u rumeysan wasiirkooda.” Ayuu yiri wasiir Cawad.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.