Mahad Salaad: “Farmaajo ha hor-yimaado shacabka”

0

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa ka hadlay kulankii dhex-maray madaxweynayaasha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo  dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

Hoos  ka akhriso qoraal uu Mahad Salaad soo dhigay bartiisa Facebook:

Madaxweyne Farmaajo cid ka aqrisanaysa in uu dhuunto majirto ee inta Ummadda hor yimaado ha u sheego waxa uu Kenya kula heshiiyay!

Warsaxaafadeedka galabta ka soo kala baxay Madaxtooyada iyo Wasaarada Arrimaha Dibeda Kenya waxa lagu sheegay in labada Madaxweyne Soomaaliya iyo Kenya Farmaajo iyo Uhuru ku heshiiyeen in arrinta dacwada Badda ee taala Maxkamadda Cadaalada Adduunka (ICJ) lagu xaliyo hab labada dhinac wada oggolyihiin. Taasoo micnaheedu yahay in dacwada Badda la soo celiyo kadibna wada hadal lagu xaliyo.

Haddaba, waan aragnay mowqifka rasmiga ah ee dowlada Kenya waxaan ka codsanaynaa Madaxweyne Farmaajo in uu Ummadda hor yimaado runtana ka sheego waxa dowlada Kenya uu kula heshiiyay. Arintaan waa arin masiiri ah oo qaranimada Soomaaliya taabanaysa, mana jirto cid ka aqrisanaysa Madaxweynaha inta qolkiisa hoosta ka xirto in aamusnaan iyo dhuumasho uu Ummadda ku siro!

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.