Khilaafka Baarlamaanka Puntland maku dhamaan doonaa doorashaddii maanta?

0

Golaha Wakiiladda ee Puntland ayaa maanta doortay gudoomiye cusub kadib markii ay 7dii bishaan kalsoonida kala laabteen Gudoomiyihii hore Cabdi Xakiin Maxamed Axmed Dhoobo-daareed.

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ah nin hal-abuur ah ayaa wareegii labaad ee doorashadda ku guuleeystay codad gaaraya 46, wuxuuna ka guuleeystay Cabdijamaal Cismaan Maxamed oo helay 17 cod, sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashadda qabtay.

Doorashadda maanta ayaa shidaal ku dari doonta khilaafka ka dhashay xilka qaadistii gudoomiyihii hore, sida ay aaminsanyihiin xeel-dheereyaasha siyaasada.

Cabdixakiin Dhoobo-daareed ayaa diiday in uu aqbalo kalsoonidii ay Xildhibaanadu kala noqdeen waxuuna shegay in aan hanaan sharci ah loo marin kalsooni kala noqoshadiisii.

Waxaa uu tagay Gobolka Sanaag, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay odoyaasha dhaqanka islamarkaana uu la wadaagay mowqifkiisa iyo sida uu uu udiidanyahay in xilka laga qaado.

Sababaha uu cuskanayo Dhoobo-daared waxaa ka mid ah in Baarlamaankuba uu fasax ahaa markii Xildhibaanadu kalsoonida kala laabteen.

Waa todobaad kadib markii xilka laga qaaday waxaana la doortay guddoomiye cusub iyadoo wax xal ah laga gaarin khilaafkii taagnaa.

Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland Yuusuf Jibriil ayaa laga filayaa in uu qaado talaabo keeni karta in goluhu uusan khilaaf lugaha la gelin iyo in aysan shaqadiisu u cuueyaamin muran joogto ah.

Sidoo kale khilaafka waxaa ku lug leh xukuumadda Deni oo lagu eedeeyay in ay soo abaabushay mowshinkii xilka looga qaaday Dhoobo-daareeb islamarkaana ay dooneeyso in ay ka hortagto cadaadis xildhibaanadu saaraan shaqadda Xukuumadda.

Ugu yaraan Afar qof oo ku dhimatay iyo todobo kale oo ku dhaawacmay dagaal baarlamaanka ka dhacay 6dii bishaan ayaa qayb ka ah khalalaasaha Baarlamaanka, welina laga gaarin go’aan maxkamadeed iyo xal kale toona.

Gudoomiyihii hore oo BBC la hadlay markii xilka laga qaaday ayaa sheegay in uu Sharciga tiigsan doono islamarkaana uusan kasoo laaban doonin ilaa uu arrinta gaarsiiyo meesha ugu sarreeysa, inkastoo uusan magacaabin meesha saxda ah ee uu beegsanayo.

Hadaba, Abwaan Cabdirashiid ayaa la eegi doona waxa uu ka bedalo xaaladda Baarlamanka Puntland.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.