Hoggaamiyaha mucaaradka Bolivia oo sheegtay madaxweyne-nimo.

0

Senator Jeanine Áñez oo hogaamisa xubnaha mucaaradka dalka Bolivia ayaa ku dhawaaqday in ay tahay madaxwaynaha kumeel gaarka ah ee dalkaasi kadib iscasilaadii madaxwayne Evo Morales.

Sharci dajiyaasha katirsan xisbiga madaxwaynaha talada ka dagay ayaa qaadacay kulanka Baarlamaanka, taas oo ka dhigan in aysan heleenin kooram lagu magacaabo.

Balse Ms Anez ayaa sheegtay in dastuurka uu xaq u siinaayo in ay noqoto hogaamiyaha xiga ee dalka, iyadoona balan qaaday in todobaadka soo aadan ay qaban doonto doorasho.

Mr Morales ayaa cambaaray’yay sheegashada madaxwayninimo ee Ms Anez isagoona arintaasi ku tilmaamay afganbi ay sameeyeen xisbiga midig.

Madaxwaynihii hore ee dalka Bolivia ayaa u baxsaday dalka Mexico, halkaasi uu ka helay magangalyo siyaasadeed kadib markii uu sheegay in noloshiisa ay Qatar ku jirto.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.