Beledweyne: Dad loo xiray musuq lagu sameeyey gar-gaarkii la gaarsiiyay

0

Ciidamada amaanka ee ka howlgala magaaladda Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo uu ka socdo gargaar loo fidinayo qoysaska ku barakacay fatahaadaha ayaa waxaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen gaadiid lagu leexsaday raashiinka gar-gaarka oo loogu tala galay in lagu caawiyo dadka barakacay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in la arkay bakhaarro si musuq maasuqa loogu xareeyay raashinkii loogu tala galay in lagu caawiyo dadka ay fatahaadu ku ceyrteeyeen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda ciidamadda qalabka sida ee qeybteeda 27aad Dhame Maxamed Cabdulqaadir Maxmed ayaa sheegay in ay xabsiga dadkii loo soo qabtay falkaas sharcigana la hor geyn doono.

Xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa sheegay in lagu soo war galiyay in la leexsanayo gargaarkii loogu tala galay dadka reer Beledweyne, kadibna howlgal ay fuliyeen ay ku soo qabteen ruuxii lahaa Bakhaarka lagu xareeyay raashinka iyo dadkii watay gaadiidka la qabtay ee uu ku rarnaa raashinka la leexsaday, isagoo intaas ku sii daray in ay ku raad joogaan dad kale oo lala xiriirinayo musuqa lagu kacay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.